(wanlaweyn Radio) 26 Feb 2019. Chelsea ayaa ganaax dul dhigtay goolhayahaeeda Kepa kaddib markii uu diiday inuu garoonka ka soo boxo mar badel loo taagay Final kii Carabao Cup ay Rigoorooyinka kaga qaaday Man City.

Goolhayaha reer Spain ayaa sidoo kale raali galin xoogan u soo jeediyay kooxdiisa, tababaraha iyo waliba taageerayaasha.

Blues ayaa Kepa ku ganaaxday adduun dhan 190,000 oo bound waana lacagta uu mushaar ahaan u qaadan lahaa hal usbuuc.

“Inkastoo ay jirtay isfahan waa sida aan u fal celiyay, waxaan sameeyay gaf/qalad wayn sida aan xaalada ula tacaamulay,” Kepa ayaa sidaa ku bilaabay warbixin rasmi ah uu soo dhigay bogga kooxda.

Image result for Kepa

“Waxaan doonayaa in waqtiga maanta uga faa’iideysto inaan si buuxda u raali galiyo shaqsi ahaan tababaraha, Willy Caballero, saaxiibadeyda io waliba kooxda.

“Midan ayaan sameeyay iminkana waxaan doonayaa in isla raali galintaan aan u bandhigo taageerayaasha.

“Waxbaan ka baran doonaa dhacdadan waana aqbali doonaa ganaax kasta ama talaabo anshax oo ku haboon qaladkan oo ay kooxda go’aansato.”.