Arbaco 14/Nov.2018-(radiowanlaweyn)-Kumanaan shacab oo iskugu jira odayaal caruur iyo haween ayaa iskugu soo baxay saaki aroortii hore degmada wanlaweyn salaad roob doon ah  oo eey culumada degmada maalmihii lasoo dhaafay bulshada ugu baaqay iney iskugu soo baxaan salaada roobdoonka

Ayadoo lagu guda jiro xiliroobaadka deeyrta Ayaan degmada wanlaweyn waxaan ka,in roobkii loo baahnaa taasoo sababtay in beerihii la abuurtay eysan soobixin halka dalagii soo baxayne eeyba gubteen

Inta aanan salaada latukan kahor culumada kazoo qeybgashay ayaa bulshada kubogaasiday iney istigfaarta badiyaan eeyna iscafiyaan

Salaada roob doonka oo lagatukaday Wanlawey saaka Waxaa kasoo qeebgalay Culumaa’udiinka iyo Odayaasha Dhaqanka,Dhalanyarada,Ardayda Dugsiyada iyo Iskooleeda.

Salaada kadib waxaa meesha kahadlay qaar kamid ah Culimada oo waxba kudheeraaday kahadalka salaad ayagoo ku adkeeyay muhiimtahay alle bariga iyo iscafinta.
Sikastaba ha ahaatee Salaada waxaa sitoos ah u tabinayay Radio Wanlaweyn oo usuurtagalineysan dadka aan kazoo qeybgalin iney sitoos udhageystaan muxaadarooyinka kala duwan ee culumada ey jeedinaayeen  

Ugu danbeen ma ahan markii ugu horeeysay ee roobdoon kanookale lagu qabto degmada wanlaweyn.

 

Ismacil mire