Waxaa jirta waan wan aan caga badan ku taagneen  oo laga dhex wado labadii beelood  ee kudagalamay Degmada Wanlaweyn ee gpbolka Shabeelaha hoose dhaxdhaxaadinta  waxaa waday Ganacsato iyo dadka deegaanka waxkadagan ee aan eheen kuwa dagaalamay

maalinnimadii axada ayey eheyd markii uu dagaal qaraar uu  dhex marey labadan beelood  waxaana ku dhintay sadax ruux afarkalena wey ku dhaawacmeen dagaalaka ayaa waxa uu sababay barakac baah san xafadaha dagmada qaarkood wixii ku haray waa wax yar   waana wax aad looga xumaado waxaana jirin cid soo fara galisay dagaalkan dowlad gobaleedka konfur galbeed iyo daowlada fadaraalka  marka laga reebo maamulka dagmada iyo isku day aysameynayaan ciidamada dowlada  ee ku sugan dagamada  waxaana halis loogu jiraa in markasta dagaal dhicikaro   bari oo arboco ah ayaa loo ballansanaa  in ay isku yimaadaan labada beelood  waxaana jiray sharuudo lagu xiray wadahadalka bilabidiisa shuruudahaas oo aan fulin waxaa laga yaabaa in uu kulankaas qabsoomi waayo

warhada nasoogaarayna waxa uu sheegayaa kulankaas in uu baaqday taasoo dib udhac weyn  ku ah nabadyntii deegaanka waxaad maqli doontaan markii dhibaato dhacdo baaqyo isdabajoog ah iyo calaancal wax maanta laga hortagi karo haddii laga seexdo dhibaato ayey leedahay waxa ayna sharaf dhac kutahay madaxda deegaanka arintaan waa arin halis ah  waxaana loobaahanyahay taxadar dheeraad ah lamuujiyo  shaly hadii fitnadan laga hor tagi lahaa dhibaato madhacdeen sikastaba ha ahaatee waxaan rajayneyenaa in ay kheyr ku dhamaato adadka barakacayna dibnoogu soo labtaan nabadana fursad lasiiyo