radio wanlaweyn /9/10/2018 waxaa xaalad cakirnaan ah ay kajirtaa dagmada wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose waxaana xiran ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka waxaana la arkayaa shacabkii dagmada oo kacsan dhalinyaradii oo dhagax tuur samaynaya waxaana ay ka careysan yihiin dil xalay l oo geestay mid kamid ah culimada ugu waaweyn dagmada oo lagu magacaabijiray macalin nuur cismaan bilaal oo ku magic dheeraa macalin nuurey kaasoo ay toogteen ciidamada dowlada gaar ahaan danab xalay fiidkii abaara 11:00pm ayey gurigiisa ugu galeen kadibna toogteen waxgaradka dagmada ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin waxa ayna shegeen in aysan marnaba aysan raali ka noqon doonin dhacdooyinkaan waana qof kii shanaad ee sidan oo kale loo dilo dagmada wanlaweyn maalma ka hor eyey eheed markii nin ganacsade ahaa oo la oranjiray mustaf ay ku toogteen ciidamada dowlada tuulada haakow maamulka dagmada ayaa waxa ay sheegeen in ay baarayaan sababaha keenay dilkan ayna kala hadlayaan madaxda ciidamada dowladda
hadii qofka laugu tuhmo dambi waxaa wanaagsana qofka in cadaaladda la hor geeyo ay maxkamad ku cadeeyso dambiga kadibna ay xukunto markii hore waxa ay sameen jireen ciidamada xarig oo kaliya balse maalmahan dambe xaaladda dil ayey noqotay taasoo dadka deegaanka ah walaac badan ku abuuratay sikastaba ha ahaatee xaalada wali wey kacsantahay dadkuna aad ayey u careeysan yihiin waxii faah faahin ah kala soco halkan
Q/ismacil samadon