Dadweynaha dalka Cameroon,ayaa u dareeray tartanka doorashooyinka Madaxtinimo ee dalkaasi oo ,saakay si rasmi ah uga biloowday gudaha dalkasi.

Xarumaha codbixinta,ayaa saakay la furay,waxaana la soo xirayaa maqribnimada galabta,iyadoo madaxweynaha haya talada Paul Biya  uu doonayo in uu mar todobaad isu soo taago xilka madaxtinimo ee kamerun.

Illaa 6-milyan ayaa u dareeray codeynta tartanka madaxtinimo ee dalkaasi,waaxaana dhanka mucaaradka ka socda xisbiyo isbaheysi ah.

Madaxweyne Biya, oo 85-sano jir ah ,ayaa raba in uu mar kale qabto jagada madaxtinimo,isagoo sanadkii 1982-dii la wareegay awoodda dalka.