Idiris Maxamed Cumar oo isku so Sharxay Xilka Madaxweynaha KG somaliya
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay isu soo sharaxayay murashaxiin isusoo taagayay in ay qabtaan xilka madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya waxaana murashaxiintaasi kamid ah idiris maxamed cumar oo loo yaqaano xaaji buulle
Musharax Madaxweyne Mudane Idiris Maxamed Cumar ayaa kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya doorashada nagu soo fooleh ee dhici doonta dhamaadka sannadkan aynu ku jirno ee 2018.
Musharax Madaxweyne Idiris Maxamed Cumar ayaa sheegay in uu isku soo sharaxay sidii uu Koonfur Galbeed wax kabadal uga sameyn lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay,KG Somaaliya gaar ahaana waxa uu si gaar ah u xusay dhinaca ammaanka oo uu wax kaqaban kaqaban doono dib u habeyn weynna uu ku sameyn doono, taasi oo uu sheegay in uu qibrad dheeraad ah uu uleeyahaydhinaca amaanka
waxa uuna sheegay in uu shaqa aboor u sameyn doono dhalinyarada oo inbadan oo kamida ay kacabanayaan shaqa la aan baahsan iyo in uu hagaajina doono Kaaba yaasha dhaqaalaha uuna ladagaalami doono musuq maasuqa iyo qabyaaladda waliba uu sameyn doono dib u hishiisiin si lays kaga kaashado xaaladda adag oo ey mareeyso manta KG soomaaliya.
Idiris maxamed cumar oo qudbad dheer ka jeediyay goobtii lagu so sharaxay wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool Deegaanda koonfur Galbeed, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax utaagan qabashada xilka Madaxweynaha KG,somaliya si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigaan oo ay mareeyso marxalad adag KG somalia
Idiris maxamed cumar dadka yaqaanaa waxa ey sheegeen in uu uqalmo xilkaasi uuna kasoo bixi karo hadii loo doorto. Tilmaamihiisa iyo habdhaqankiisa waxa ay ku sheegeen in uu yahay nin aamin ah kartileh jecel wanaaga leh allah kacabsi hadii uu guulaystana keenikara guulo wax ku ool ah oo ay kunaaloon doonaan dadka koonfur galbeed ku nool dhamaantood
I