Siddeed Carruur ah oo Afar ka mid ihi ay walaalo ahaayeen ayaa ku geeriyootay Dalka Afghanistaan Shalay, markii uu qarax ka dhacay hareeraha Madfac ay ku ciyaarayeen.

Jimcihii aynu kasoo gudubnay ayay ahayd markii uu sidan oo kale qarax ka dhacay Waqooyi galbeed ee Dalka Afghanistaan ay ku dhaawacmeen Lix Carruur ah, kuwaasoo Laba ka mid ihi ay Miinadu ka jartay Addimada laguna dabiibayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Faryab.

Dhammaan Carruurta qaraxyadaasi ku wax yeelloowday ayaa lagu soo warramayaa inay da’doodu u dhexeysa 5 illaa 12 jir, sida ay eheladooda u sheegeen warbaahinta Al-Jaziira.

Carruur lagu qiyaasay 3,000 ayaa ku dhimatay kuna dhaawacantay tan iyo 2017-kii, tiradaas oo Saddex dalool Laba ka ah Shacabkii ku waxyeelloobay Dalkaasi intii lagu gudo jiray dagaalka ka dhanka ah Al-Qaacidda.