;- Qareenno ka socdaa dalka Iran ayaa Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah (ICJ) weydiisanaya in ay soo saarto amar lagu qaadayo cunaqabateynta Madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu ku soo roray dalkaasi.

Dacwaddaasi ayaa lagu sheegay in cunaqabateyntaasi ay horay u dabcisay dhaqaalaha dalka Iran,isala markaana ay waxyeello gaarsiisay saaxiibtinimadii kala dhaxeysay Mareykanka ee soo bilaabatay sanadkii 1955-tii.

Maamulka Tehran ayaa bishii hore ee July ,waxa uy xereeyay ama gudniyeen dacwaddaasi,iyagoo gaarsiiyay maamulka Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay the Hague,waxaana lau dalbaday in garsoorayaasha Maxkamaddaasi ay soo saaraan amar si degdeg ah loogu qaadayo cunaqabateynta Mareykanka.

Mareykanka ayaa la filayaa in maalinta Talaadada ah uu si caadi ah uga hadlo jawaabaha ku aadan eedahaasi.