15/8/2018/radio wanlaweyn Fm>dibaatooyinkii dhaqaale ee kadhacay wadanka turkiga  ayaa waxa ay kusii faafayaan wadama kale dhaqaalahooda.   suuqyada  caalamka ayaa waxaa laga dareemayaa hoos u dhac lacago wadamo kale taa oo ey saameyn ku yeelatay hoos u dhicii kudhacay lacagta liiraha turkiga

waxaa hoos udhacay lacagta rupee-ga ee dalka hindiya  marka lagu sarifaayo dolar  wadamada kale ee uu sida weyn u saameeyay hoos udhacaan waxaa kamida  South Africa   iyo Argentina oo ayguna lacagahooda  oo ey hoo udheceen.

wadama  badan ayaa ka baqaya dhibaatada dhaqaale ee oo ku jiro   Turkiga inay waxyeeleyn karto nidaamka dhaqaale ee caalamka.

dhaqaalaha caalamka ayaa ah mid aan fadhinin tan iyo intii uu bilowday dagaalka ganacsi ee u dhexeeya  mareykanka iyo caalamka intiisa kale mareykanka ayaa waxa uu ku soo rogay  canshuuro xad dhaaf ah alaabaha uu dibadaha kasoo dhoofsado taa oo eey kaga jawaabeen wadamada wax u dhoofiya mareykanka  canshuur taas lamida

Turkiga ayaawaxaa lafilaya in uu qaado talaabooyin horleh sidii lagu dajin lahaa dhaqalaha wadankaasi

Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa ballanqaaday in uu kaabayo lacagta Liiraha,Wasiirka Maaliyada Turkiga oo ah wiil  uu soddog  u yahay Erdogan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee soo socota inuu u xaqiijiyo illaa boqol maalgeliyaal caalami ah in dowladu ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii qiimaha Liiraha  uusan hoos ugu dhici  lahayn.