radiowanlaweyn.com/6/8/2018..
Wada hadalo saacado badan socday ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Jigjiga, waxayna u dhaxeeyeen Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Golihiisa wasiiradda oo dhinac ah, Kuxigeenka Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Demeke Mekonnen iyo wasiirka Warfaafinta faderaalka Ahmed Shide, Sidda ay ii xaqiijiyeen sadex kamid ah wasiiradda Xukuumadda Cabdi Maxamuud Cumar waxay sheegeen in ay hor-dhigeen wafdiga Addis Ababa ka yimi qodobada kala ah.
1- In Ciidamada Milateriga Itoobiya laga saaro magaalooyinka ay hadda rabshaduhu ka socdaan, si loo soo celiyo sharcigii iyo amnigii Ismaamulka Soomaalida.
2- In Raaligalin laga bixiyo jabintii ay Xukuumada Faderaalku ku sameysay Dastuurka Faderaalka ee Itoobiya, oo aan ogoleyn in Milaterigu amar xukuumadda dhexe ku galaan gudaha Ismaamulada.
3- In talada iyo go’aanka Ismaamulka Soomaalida loo daayo dadweynaha iyo ummadda deegaankaas oo ay ku jiraan Ururada Mucaaradka ah.
4- In kheyraadka gobalka Soomaalida la cadeeyo saamiga ay leeyihiin, lagana laabto hadalka kiciyey Shacabka DDSI ee 5% Qoondada Shidaalka.
5- In Ismaamulka Oromada si deg deg ah loogu ciqaabo gumaadkii ka dhacay Nageyle iyo deegaano kale oo lagu dilayay in ka badan 60 qof oo shacab Soomaaliyeed ah.
Qodobadaas ayaa u muuqda kuwa ad-adag marka loo eego marxalada ay ku sugan yihiin magaalooyinka Goday, Wardheer, Qabri-Dahare, Jigjiga & deegaanada kale oo maamulkii meesha ka baxay.
Dhinaca Wafdiga Heer Faderaal oo aan faahfaahin laga heynin, waxayse wararku sheegayaan in ay balan-qaadeen.
1- In amnigii lasoo celinayo, Milateriguna ay ka baxayaan goobaha aysan horey u joogin.
2- In Madaxweynaha Ismaamulka Soomalida looga baahan yahay in uu dadka la hadlo, uguna baaqo in ay is dajiyaan, lana ilaaliyo Hantida shacabka, dadweynahana laga joojiyo barakaca kusocda.
3- In ciidamada Liyuu Police-ka lagu celiyo deegaanadii ay ka howlgalayeen ee laga soo qaaday, si xaduudaha ammaankooda loo sugo.
4- In Xaafiisyada maamulka dawladda la furo Subaxnimada Isniinta, dadweynahana loo shaqeeyo, si dadka loogu soo celiyo kalsoonidii.
5- In la fasaxayo Adeegyada bulshada sidda biyaha, Korontada, Telfoonada iyo Khadka Internetka oo shalay la jaray.
Ma jiraan faahfaahino cadeynaya in is afgarad la gaaray, balse dhinaca Ismaamulka Soomaalida waxay sheegeen in qodobadooda qaarkood aysan raali ka aheyn wafdiga Addis Ababa ka yimi, lamana garanayo waxay ku dambeyn doonto xaaladda Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
XIGASHO: Wasiiro katirsan Ismaamulka Soomaalida iyo Goobjoogayaal la socday arrimaha oo ku kala sugan Jigkiga & Addis Ababa.