Waxaa lagu wadaa in Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ay booqasho ku tagaan Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta.

Madaxweynayayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa caasuumad ka helay dhigooda dalka Eriterea Afwerki oo kaalin weyn ka qaadanaaya isbedelka Gobolka.

Booqashada magaalada Asmara ayaa waxaa ku hormari doona Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana xigi doona Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta.

Madaxweynaha Jabuuti iyo dhigiisa Eritrea Afwerki ayaa kawada hadli doona arrimaha Gobolka iyo sida xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhexeeya labada dal oo meel xun gaarsiisan.

Madaxweyne Afwerki oo heysta dhul baaxad weyn oo ay leedahay Jabuuti ayaa doonaya inuu dib ugu celsho dalka Jabuuti waxa uuna socdaalka Madaxweyne Ismaaciil Geele yahay mid ku qotoma arrimahaasi.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa isna arrimo gaara kala hadli doona dhigiisa Eriterea Afwerki waxaana socda dadaal lagu xoojinaayo xiriirka Eriterea iyo Kenya.

Dalka Eriterea waxaa dhawaan booqasho ku tagay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed Ali oo heshiis taariikhi ah la soo galay madaxda dalkaasi Afwerki.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay soo gaba gabeeyay booqasho uu ku joogay dalkaasi ayaa Afwerki lasoo galay heshiis ka kooban afar qodob kaa oo meesha ka saaray khilaafka labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Eritrea oo xiligan miisaan ku dhex leh Qaarada Africa ayaa ku dadaaleysa sidii ay xiriirka diblomaasiyadeed ula sameyn laheed dalalka deriska ah.