anguuni (radio wanlaweyn) – Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta baahiyey sawirada weerarkii lagu qaaday xerada Ciidamada Dowladda Soomaalida ee Baar Sanguuni, Iyadoo sidoo kalena ay soo baxayaan faah-faahino dheeraad ah oo laga helayo weerarka.

Weerarkan oo ku bilowday Isqarxin , uuna xigay weerar toos ah ayey ciidamada Al-Shabaab ugu suuragashay in ay si buuxda ula wareegaan xerada, islamarkaana ay halkaas ku dilaan in ka badan 30 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland sida ay sheegteen iyaga.

Muuqaalada uu maanta baahiyey maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu arkayaa Iyagoo si buuxda gacanta ugu haya xerada, iyo difaacyadii Ciidamada Dowladda oo gubanaya.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kalena noo xaqiijiyey in qaar ka mid ah meydadka Ciidamada lagu soo bandhigay degmada Jamaame maalintii Shaley, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo u daawasho tagay meydadka ay soo bandhigtay Xarakada Al-Shabaab.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada: