Axad 22-(radiowanlawyn.com)-JunBooliska Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa xiray nin la sheegay inuu toogtay labo haween ah kaaso ku dhex cararay goob laga tukaamaysto oo halkaasi ku taalla.

Booliska ayaa barta Twitterka ay ku leeyihiin kusoo qoray inay ku guulaysteen qabashada ninkaasi oo muddo saddex sacaadood ah ay ku daba jireen xiritaankiisa.

Waxaa la arkayay dadka qaar oo ka cararayay goobta laga tukaamaysto halka qaar kalena ay daaqadaha ka boodayeen, haweeney ayaana halkaasi ku dhimatay.

Ninkan ayaa markii hore xabado ridayay iyadoona booliska ay ceersanayeen baaburkii uu saarna, wuxuuna ku cararay goobta laga tukaamaysto, wuxuuna markii hore uu toogtay labo haween ah.

Sawirro ayaa muujinayay labo canug oo ay badbaadinayan boolis hubaysan goobta ay dhibaatada ka dhacday.

Cabsi iyo jahwareer ayaa ka dhalatay goobta iyadoona booliska ay wadeen howlgal ay kusoo qabanayaan ninkaasi.

by: Ismaaciil mire