www.radiowanlaweyn.com   /wanlaweyn shabeelaha hoose konfur galbeed somaliya           8/7/2018

guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saakay ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku mel gaarka ah ee maamulka Koofur galbeed.

Guddoomiyaha safarka waxa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Maamulka Koofur galbeed, Xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Safarka uu guddoomiyaha ugu amba baxaya saakay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka noqonaya safaro uuu guddoomiyaha ku tagi doono magaalooyinka maamul goboleedyada dalka si uu kulamo wadatashi ula soo yeesho masuuliyiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedyada dalka.