Talaado, July, 03, 2018- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda dowladda Qadar, kuwaasoo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan oo ka socotay Wasaaradda Dekadaha dowladda Qatar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socota Madaxtooyadad.

Ujeedada wafdigaan ayaa ahaa in ay sahmin iyo qiimayn ku sameeyaan qaar ka mid ah Dekadaha dalka taas oo qayb ka ah heshiisyo dhex maray dowlaha Soomaaliya iyo Qatar kadib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku tagay maagaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Dhanka kale Wafdiggaan ayaa sababta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay sidii ay Maalgashi ugu sameysan lahaayeen Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay Wafdiga, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso cid walba oo dooneyso in ay caawiso Soomaaliya.

 

Dowladda Qadar ayaa dooneyso in ay maalgashi ku sameysato Dekeddaha Soomaaliya iyadoona arrintani ay u muuqato in Dowladda Qadar ay hadda kusoo biirtay Loolanka loogu jiro Dekeddaha Soomaaliya.