Isniin, July, 02, 2018- Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelintiisa ayaa kullan ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho waxay ku daahfureen Wajiga labaad ee dib-u-eegista Dastuurka KMG-ah.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in guddigoodu u taagan yahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa in Soomaaliya hesho Dastuur aan KMG aheyn.

“Waxaan u taaganahay in aan dib-u-eegis rasmi ah ku sameyno Dastuurka KMG ah, waxaana maanta Daahfurnay Wajigii labaad waxaa noo yaala shaqo badan taasi oo waliba aan rabno in aan ku dhameystirno waqti yar” Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa sidaasi sheegay”.