Axad, July, 01, 2018- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maamulada Somaliland iyo Puntland ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in xilligaan la joogo aysan suurtagal ahayn in dadka Soomaaliyeed ay dagaallamaan oo ay dhiigooda daadiyaan.

“Waxaan ku baaqaya in si deg deg ah loo joojiyo dhiiga ku daa’danaya Tukaraq, Wiil Soomaaliyeed ayaa Bilaa macne ugu dhimanaya, “hala Joojiyo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.