Axad, July, 01, 2018- Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee Spain kaga soo muuqato wareega 16ka Koobka Adduunka tan iyo sanadkii 2010.

Spain waxay u baahnaatay wakhti dheeraad ah si ay Nederland kaga qaato waqtigaas koobkii adduunka ee Russia Africa lagu qabtay.

Waxay noqon doontaa markii shanaad oo Spain la ciyaaraan xul marti galinaya Koobka Adduunka, in kastoo wali aysan ku guuleysan kulamada ay wajahaan xulalka tartanka marti galinaya.

Waxay markii ugu dambeysay ku wajaheen dal marti galinaya koob adduunka Korea Republic sannadkii 2002
Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee Ruushka kasoo muuqato wareega 16ka Koobka Adduunka.

Ka hor inta aysan France 4-3 ku garaacin xulka Argentina, markii ugu danbeysay ee ciyaar wareega 16ka ku dhamaato 4-3 waxay aheyd 1986-kii.

Tababaraha xulka Spain Fernando Hierro ayaa ah mid ka mid ah tababarayaasha ugu da’da yar ee tartanka ka qeyb galaya, laakiin Oscar Tabarez oo hogaaamiya Uruguay ayaa loo diiwaan geliyay inuu yahay Macalinka ugu da’da weyn ee ka qeyb qaata koobka aduunka tan iyo Cesare Maldini.

Spain ayaa tababar ku qaadatay garoonka Luzhniki ka hor inta aysan kula ciyaarin galabta xulka Russia oo si aad ah u garanaya garoonkaan.

Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa saacadu marka ay tahay 5:00 Galabnimo ee Maanta oo axada ah

Dhinaca kale Croatia ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqatay wareega 16ka iyagoo badiyay dhamaan kulamadii wareega Group-ka koobka adduunka.

waa markii ugu horeysay ee Croatia ay ku guuleysato dhamaan seddexda kulan ee Group-ka tan iyo UEFA Euro 2008, markaasoo Turkey quarter-finals ay kaga soo reebeen rigoorayaal.

Labada xul waxay hore u kulmeen shan jeer, laakiin ma aysan kulmin 14 sano ee ugu dambeeyay.

Tababaraha Denmark Hareide ayaa sheegay in Christian Erekson uu la qaadanayo xulkiisa waqti qurux badan islamarkaana uu ka caawinayo inay meel sare kaga dhameystaan Koobka Adduunka.

Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa caawa 9:00 Fiidnimo