Axad, July, 01, 2018- Waxaa Degmada Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir ku soo dhacay tiro Hoobiyeyaal ah, sida ay Warbaahinta u sheegeen Dadka Deegaanka.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeaasha ayaa kusoo dhacay Xaafadaha ka agdhow Xerradda Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Ilaa iyo Saddex Hoobiye ayaa la xaqiijiyay in ay kusoo dhaceen qeybo ka mid ah Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay Guriga halka Madfac uu ku dhacay dadkii joogay 2 qof oo ka mid ah ayaa dhintay halka Saddex kalana ay dhaawacmeen.

Waxaana jiro guryo kale oo hoobiyaashu ay ku dhaceen inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale waxaa hoobiyaashu ku dhintay 7 neef oo Ari ah oo halkii ay ku xareysnayeen madfac kula dhacay.

Maamulka degmada Wadajir oo aan la xirirno si aan wax uga weydiino sida ay wax u dhaceen iyo hoobiyeyaashu khasaaraha ay sababeen ayaa inoo suura galin inaan helno.

Ilaa Iyo hadda lama oga halka laga soo tuuray iyo halka lala damacsanaa ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadooda.