Axad, July, 01, 2018- Sacuudiga ,ayaa qorsheynaya in uu kordhiyo wax soo saarka shidaalka,kadib kolkii Madaxweynaha dalka Mareylanka Donald Trumpm uu codsaday in madaxda Sacuudiga ay kordhiyaan wax soo saarka saliidda shidaalka,si loola dagaalamo sare u kaca qiimaha la kala siisto shidaalka.

Mr Trump,ayaa bogga tweeterka soo dhigay,isagoo madaxa Sacuudiga boqor Salman ka codsanaya in wax soo saarka dalkaasi ay kordhiyaan 2-milyan oo fuusto maalintiiba.

Sicirka shiidaalka ayaa kor u kacay todobaadkii tagay,iyadoo ay qeyb ka tahay Mareykanka oo qorsheynaya in uu cunaqabateyn ku soo rogo dalka Iiraan.

Dalalka Opec ee soo saara shidaalka ,ayaa ku heshiiyay in la kordhiyo wax soo saarka saliidda,laakiin waxaa lagu fashilmay sidii loo fariisin lahaa qiimaha suuqyada.