Sabti, June, 30, 2018–  Iska hor imaad u dhexeeya Falastiin iyo Israel ayaa ka dhacay Marinka Gaza,kaasi oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac,sida ay sheegayaan Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib isku-dhacdyo Jimcihi shalay Marinka Gaza ku dhexmaray ciidamada Israel iyo dad Falastiiniyiin oo mudaaharaad ka dhigay xadka Gaza.

Afhayeenka wasaarada caafimaadka Falastiin Ashraf Al-Qudra ayaa sheegay in labada ruux ee ay dileen milatariga Israel ay kala yihiin wiil 13 jir ahaa oo lagu dilay meel u dhaw magaalada Khan Yunis iyo wiil kale oo 24 jir ahaa oo isna lagu toogtay agagaarka Rafah.

Sidoo kale wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa intaasi ku dartay in In ka badan 130 ruux oo Falastiinyiin ah ay Jimcihi shalay ku dhaawacmeen xadka Gaza iyo Israel.

War kasoo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay in kumanaan ruux oo Falastiiniyiin ah ay Jimicihi sameeyeen banaanbaxyo rabshado xaddhaaf ah watay,sidoo kale Warka ayaa lagu sheegay in ciidanka Israel lagu tuuray bam gacmeed,ayna ciidamada dhowr jeer dib u riixeen Falastiiniyiin isku dayay in ay ka gudbaan xadka.

Banaanbaxyadaan oo hadda noqday todobaadle ayaa ka bilowday xadka Gaza 30-ki bishii March ee sannadkaan,Waxaa soo abuubulay ururka Hamas Tan iyo markaasi waxaa la dilay 137 ruux oo Falastiiniyiin ah.

Rabshadaha ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu sheegay in uu aqoonsaday Israel,taasi oo sababtay isku dhacyo joogto ah oo u dhexeeya falastiin iyo Israel.