Sabti, June, 30, 2018– War ay soo saartay dowladda Nigeria ayaa lagu sheegay in horraanta bishaan ay bilaabayso in qoysaska saboolka ah ay u qaybiso lacag ka badan saddex boqol oo milyan oo dollar.

Talaabadani ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan mas’uuliyiinta Dalka Switserland ay dib u soo celiyeen lacagtaasi oo uu lunsaday taliyihii militariga Sani Abacha sanadihii sagaashamaadkii,Waxaana lagu wadaa in lacagtaan lasiiyo in kabadan saddex boqol oo kun oo qoys kuwaas oo bil walba lasiinayo 14 dollar qoyskiiba.

Dawladda federaalka ah ayaa goor horeba bilowday in ay xawisho oo ay u qaybiso lacago caddaan ah dadka saboolka ah iyo kuwa taagta daran ee ku dhaqan 20 gobol oo katirsan dalka Nigeria. Kuwaas oo ay kamid yihiin dadkii ay fallaagada Boko Haram ka barakiciyeen waqooyi bari dalkaas.

Barnaamijka ayaa waxaa maalgaliyey dawladda Nigeria iyo Bangiga Adduunka, kaas oo sidoo kale kormeeraya qaybinta lacagaha.

Xukuumadda Nigeria ayaa sheegaysa in ay marinayso qalab lagu hubinayo in lacagtani ay tahay mid sax ah oo shaqaynaysa kahor inta aan loo qoondayn lacagtaas dib loo soo celiyay dadka saboolka ah.

Mid kamid ah shuruudaha ay dawladda Swizerland ku xirtay markii ay lacagta usoo celisay Nigeria, ayaa waxaa kamid ahaa in lagu dhimo heerka faqriga, Bangiga Adduunkuna uu dusha kala socdo.