xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu Qabtay Xarunta Radio Wanlaweyn islamarkaasna lagu gudoon siinaayay abaal marinno Dadkii ka qeyb qaatay Munaasabada ee ku guuleystay tartan aqooneedkii bishii barakeysned ee ramadaan ee uu qabtay radio wanlaweyn ayaa lagu soo gabagabeeyay degmada wanlaweyn ee Gobolka Shaabeelaha hoose.
Xafladan waxaa kasoo qeebgalay maamulka degmada iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Ururada haweenka, Culumaa udiin, Dhalin yarada Saxafiyiin iyo Marti sharaf kale
xaafadaha kaalimaha ka galay tartan aqooneedka waxaa ay kala ahaayeen:-
1) Malable
2) cagaboorey
3) Xudurweyne
Dhanka kale waxaa jiray koob kubda cagta ah uu dhigay Radio wanlaweyn kaas oo ay ku guuleysatay kooxda daryeel
kalinta koowad 1) Daryeel halka kaalinta labaadna ay gashay 2) Malable istar.
waxaa kaloo jiray barnaamij layiraahdo kororso aqoon guud oo isagana ay ku guuleesteen dadbadan islamarkaana lagu bixiyay abaalmarino aad u fara badan waxaana shahaadooyin lagu gudoon siiyay macalimiin iskuulo ganacsato guddiyo saxfiyiin dad dhiirigaliyay idacada Radio Wanlaweyn.
Waxaan Maamulka Idaacada Radio Wanlaweyn u hambalyeynayaa Dhamaan dadkii ku guuleestay abaal marinadaas waxaana uu WANLAWEYN RADIO utaagan yahay hormarinta bulshada.
Ugu dambeyntii Warbaahinta Radio wanlaweyn waxa ayb u mahad celinaysaa dhamaan bulshda qeybeheeda kala duwan ee ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan reer wanlaweyn garab istaaga ay lagarabtaagan yihiin idaacada radio wanlaweyn waana ku faraxsanahay anagana waana idiin jecelnahy nabad ku noolaada ===