Jimco, June, 29, 2018– Ururka u dooda xaquuqda haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali women Journalist’s Association SOWJRA) Waxaa uu maanta oo taariikhdu tahay 29-ka June war Saxafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ku cambaareenayaa falkii wareerka ee lagu dhaawacay shalay oo taarikhdu ku beegneyd 28-kii June degmada Hodan ee Magalada Muqdisho.

Wariye Farxiye Mire Ahmed Rooble oo ka tirsan Wariyayaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (S.N.T.V) iyo Rado Muqdisho, Farxiya ayaa Nin ku hubeysnaa Bastoolad uu ku soo qaaday weerarka,waxaa uuna lugta bidix iyo Caloosha uga dhufftay labo xabadood.

SOWJRA waxay ka xun tahay, islmarkaana dhalacaynaysaa tacatiga isku deyga dilka , dhawac iyo dhibaatadda kale ay uga badbaaday difaaca ay nafteeda u sameysay ee la rabay in dil loo geysto Farxiya Mire Ahmed Rooble.