Arbaco, June, 27. 2018– Sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Goobjoogayaal, Koox hubeysan ayaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa ay ku dileen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Siinaay.

Dadka degaanka waxa ay sheegeen Askari la dilay uu ka mid ahaa Ciidamada ka howlgallo halkaasi,islamarkaana markii ay dileen Kooxaha hubeysan ay ka qaateen qorigii uu watay, xilli shaqadiisa uu ku guda jiray askariga la dilay.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aan gacanta lagu dhigin

Ciidamo ka tirsan Saldhiga Booliska Warta Nabadda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen maydka askariga la dilay.