Talaado, June, 26. 2018- Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay qaadi doonto howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan degaanada ku yaalla Xadka ay wadaaggaan Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Kenya ayaa sheegay in howlgalkaan uu noqon doonto mid looga hortaggaayo Qaraxyadda Al-Shabaab ay u dhigaan ciidamada Kenya.

Waxaa uu sheegay in ciidamada difaaca dalka Kenya ee ku sugan Soomaaliya sidoo kale ay laba jibaari doonaan howlgallada ay ka waddaan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa xusay in ay diyaariyeen ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay ka qeyb galaan howlgalkaasi oo inta badan laga sameyn doono gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa uu xusay in ay ku raja weyn yihiin in sanadkaan ay soo Afjaraan Weeraradda iyo Qaraxyadda Al-Shabaab ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Madaxweynaha Kenya uu Amar ku bixiyay in laga hortaggo Weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca gobolka, islamarkaana lala socdo dhaqdhaqaaqa Gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya Weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.