Isniin, June, 25, 2018-  Mareykanka ayaa baarayaal ka tirsan FBI-da u diraya dalka Itoobiya si ay baaritanno uga sameeyaan qaraxii dhawaan lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Adis Ababa.

Go’aanka Mareykanka uu baarayaal uga diraya Itoobiya ayaa imaanaya xilli ay wadahadallo dhex mareen sarkaal sare oo Amerikaan oo hostago waaxda ganacsiga laguna magacaabo Gilbert Kaplan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Workneh Gebeyehu.

Dad badan oo lala xiriirinaya qaraxa ayaa xabsiga loo taxaabay, dadka la xiray waxaa kamid ah ku-xigeenkii taliyaha booliska magaalada Adis Ababa.

 

2 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 150 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa jooga ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo kumannaan shacab ah oo ka qaybgalay isu soo bax ay taagerayeen isbaddalada uu samaynaya Ra’iisul wasaaraha.

Mareykanka ayaa saaxib dhaw la ah dalka Itoobiya.