Axad, June, 24, 2018– Barcelona ayaa dooneysa iney ka hor 1-da July ku dhawaaqdo saxiixyada labada ah ee Arthur iyo Clement Lenglet sida uu shaaca ka qaaday wargeyska laga leeyahay gobolka Catalonia ee Mundo Deportivo.

Kooxda ka dhisan Camp Nou ayaa xoogga saareysa sidii ay labadaan xiddig halmar ugu soo wada bandhigi laheyd jamaahiirta kooxda, xilli la fahamsan yaay Ernesto Valverde inuu si fiican uga adeegan doono suuqa kala iibsiga xagaagan.

Macalinka reer Spain wuxuu maamulka Balaugrana ka codsaday in ciyaartoydaan loo keeno xilli hore si ay fursad ugu helaan iney xilli hore kala qeyb galaan kulamada fasaxa ee la ciyaari doono ka hor bilowga fasal ciyaareedka soo aadan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qorshaha Barcelona wuxuu yahay iney marka hore labadaan saxiix dhameeyaan si ay ugu sahlanaato iney diiradda saaraan ciyaartoyda kale ee bartilmaameedka u ah.

Waxaa la fahamsan yahay in kooxda ay si weyn suuqa kala iibsiga u qiimeyneyso iyadoo ka dooneysa iney hesho badalka Andreas Iniesta oo ka hor bilowga koobka Adduunka la sagootiyay kuna biiray koox ka dhisan JAPAN.

Xiddiga reer Serbia Sergej Milinkovic-Savic kaas oo ay sidoo kale ku raad joogto kooxda Manchester United ayaa bartilmaameed u ah Barcelona, sidoo kalana waxey isha ku heysaa da’yarka reer Russia Aleksandr Golovin kaas oo isna lala xiriirinayo inuu ku biirayo Juventus.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ernesto Valverde wuxuu doonayaa in wax walba loo dhameeyo dhamaadka koobka Adduunka, balse waxaa xusid mudan in labadaan ciyaartoy ay wali tartanka ka qeyb yahiin.

Balaugrana waxey aadi doontaa dalka Mareykanka 24-ka July si ay halkaas ugu soo ciyaarto kulamo saaxiibtinimo, waxaana meesha ka marneyn in xidigaheeda meelaha dambe ka gaara koobka ay siin doonto fasax dheeri ah.

Sidoo kale Valverde wuxuu rajeynayaa in xiddig walba uu helo bilowga August markaas oo ay Supercoppa Espana la ciyaari doonaan Sevila.