Axad, June, 24, 2018– Joachim Low waxa uu sheegay in uu weli ku tashanayo Mezut Ozil marka laga yimaado in uu kaydka u dhaadhiciyey kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Sweden.

Xulka koobka aduunka difaacanaya wax ay qarka u saarnaayeen ka haridda tartanka kadidb markii uu gool kala hormaray Ola Toivonen.

Marco Reus ayaa goolka u soo celiyey Germany qeybtii dambe kahor inta uusan Toni Kroos daqiiqaddii ugu dambeeysay, sagaashan iyo shanaad u dhalin goolkii guusha ee rejedooda soo nooleeyey.

Hase ahaatee, Ozil gebi ahaan kulanka waxa uu ka daawaday kaydka xilli uu Low goostay in uusan isticmaalin.

29 jirka waxa uu dhallleceyn badan ku muteystay bandhigiisii hooseeyey ee kulankii Mexico.

Go’aankii kaydka lagu dhigay Ozil waxa aysoo gunaanaday kulamadii 26-ka xiriirka ahaa ee uu u saftay Gemany.

Yeelkeede, Low waxa uu sheegay in kubad abuuraha Arsenal weli qorshihiisa ku jiro.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Tartan fiican ayaan safkeena ku haynaa,” ayuu Low yiri.

“Weli weynu uga baanahnnahay abuurkiisa tartanka.”