Axad, June, 24, 2018–  Suuqa kala iibsiga ayaa lagu kala qeybsamay sanadkaan, taasoo ka dhigan in horyaalka Premier League kooxahiisa uu u furan yahay, sidoo kalana kooxaha kale uu u furmi doono kadib koobka Aduunka.

Waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda – adigoo ogsoon in kooxaha Premier League ay dukaameysi sameyn karaan, halka kuwa kalana ay heshiisyo gali karaan balse aysan dhameystiri karin.

Haddaba wararka hoos ku qoran shabakadda LaacibNet xaqiiqdooda iyo jiritaankooda masuul kama ahan maadaama ay u xaglineyso xuquuqda shabakadahii qoray.

Man United ayaa diyaar u ah iney Man City & Real Madrid kula dagaalanto saxiixa 19-jirka kooxda Paris Saint Germain Kylian Mbappe. (Mirror)

Sidoo kale Red Devils waxey xiiseyneysa daafaca bidix ee Valencia Jose Luis Gaya kaas oo 23-jir ah kadib markii ay ku hungoobeen 27-jirka Juventus Alex Sandro. (Mirror)

Manchester City ayaa heshiis afka ah la gaartay 26-jirka Napoli Jorginho sida uu qiray wakiilka xiddiga reer talyaani. (Manchester Evening News)

Madaxweynaha Lyon Jean-Michel Aulas ayaa meesha ka saaray iney Liverpool dib ula furaan wadahadalo ku saabsan Nabil Fekir oo 24-jir ah, wuxuu ka dhawaajiyay in wax walba ay dhamaadeen. (Liverpool Echo)

Marco Asensio ayaa ka walwalsan mustaqbalkiisa Real Madrid iyadoo Liverpool ay si weyn u xiiseyneyso iney hesho 22-jirka reer Spain. (Diario Gol)

Juventus ayaa quuldareyneysa daafaca waaya aragga ah ee Atletico Madrid Diego Godin kaas oo 32-jir ah iyo da’yarka Ajax Matthijs de Ligt si ay badal ugu noqdaan 24-jirka reer talyaani Danielle Rugani oo bartilmaameed u ah Chelsea. (Tuttosport)

Juventus ayaa kusoo biirtay kooxaha doonaya 26-jirka reer England Jack Wilshere kaas oo si xor ah kaga tagaya Emirates Stadium dhamaadka bishaan. (The Sun)

Inter Milan ayaa dalab ay kula soo saxiixaneyso Malcom u dirtay Bordeaux, waxey ku dooneysaa amaah balse dooq loo siinayo iney 21-jirkaan kula wareegto 35.2 Malyan oo Pound. (Footbal Italia)

Liverpool ayaa diyaar u ah iney Barcelona kula biirto loolanka ay ugu jirto da’yarka reer Mexico Hirving Lozano kaas oo mustaqbalkiisa la go’aamin doono kadib koobka Adduunka. (Star)