Axad, June, 24, 2018– Maanta waxey ku beegan tahay dhalashada kabtanka Argentina Lionel Messi, balse uma ahan maalin ay tahay inuu farxo maadaama uu ka fakarayo waxa ku saaban sidii ay ugu soo bixi lahaayeen wareega 16-ka koobka Adduunka.

Qaranka Argentina wuxuu ku jiraa marxalad aan caadi aheyn maadaama ay labadii kulan ee ugu horreeyay koobka Adduunka wax guul ah gaari waayeen, kaliya 1-dhibic ayey heleen kulankii ugu horeeyay ka hor inta aysan 3-0 guuldaro qaraar ka helin Croatia taas oo abuurtay marxalad burbur ah.

Sidey warbaahinta qaarkood tabiyeen sabtidii ka hor tababarka caadiga ah ee qaranka waxaa kulan yeeshay ciyaartoyda iyo Jorge Sampaoli, taasna waxaa ka dhashay is faham-darro keentay in qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn qaranka ay go’aansadeen iney ayaga dhexdooda doortaan xeeladii lagu wajahi lahaa Nigeria.

 

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana aad loo buun-buuniyay arintaas loona arkay in Sergio Aguero oo aad uga careysan Jorge Sampaoli uu hogaaminayo qorshahaan, balse haatan xiriirka kubadda cagta Argentina (AFA) ayaa beeniyay wax walba oo ku saabsan isla markaana muujiyay sida ay u taageersan yahiin macalinkii hore Sevilla.

 

Claudio Tapia oo ah madaxa ugu sarreeya kubadda cagta Argentina ayaa saxaafadda la wadaagay iney wali ku kalsoon yahiin Jorge Sampaoli isla markaana ay sugi doonaan ilaa dhamaadka tartanka.

Kooxda inteeda badan kuma qanacsana sida uu wax u maamulo Sampaoli maadaama uu si liidata u maamulay kulankii Croatia.

Si kastaba xiriirka kubadda cagta Argentina taageero weyn ayey u yahiin Jorge Sampaoli, isaga ayaana lahaan doona xuquuqda maamulka qaranka ilaa mudada tartanka.