Axad, June, 24, 2018–  Tababarahii hore Man United Sir Alex Ferguson ayaa isku dayay inuu garoonka Old Trafford keeno kubad sameeyaha qaranka Croatia Luka Modric maalin kadib guuldaradii ay kooxdiisa garoonka Wembley kaga qaadatay Barcelona sanadkii 2011.

Luka Modric oo hogaaminaya qaranka Croatia ayaa lagu sifeeyay mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ee jiilkiisa kana xamaasha khadka dhexe kadib markii uu bandhig aan caadi aheyn ka muujiyay koobka Adduunka.

Luka Modric ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Croatia kulankii ay 3-0 ku dileen Argentina, meel aad uga fog Willy Caballero ayuuna kubad aad u xoogan kasoo toogtay.

Inkastoo uu magaciisa dadka ku baray Tottenham Hotspur, hadana hormar aan caadi aheyn ayuu ku gaaray Real Madrid isagoo kula guuleystay afar jeer koobka Champions League.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida la kashifay dhawaan, Sir Alex Ferguson ayaa isku ayay inuu Spurs kasoo qaato Luka Modric laba sano ka hor inta uusan ka hawlgabin shaqada tababaranimo, waxaana soo banaan dhigay Jamie Redknapp.

Falanqeeyaha heerka sare ee Sky Sports Jamie Redknapp oo uu dhalay tababarahii hore Spurs Harry Redknapp ayaa wax walba oo jira iyo sida uu Ferguson isugu dayay xiddiga reer Croatia si fiican kaga sheekeeyay.

“Xavi iyo Iniesta ayaa sare u qaaday hab maamulkooda khadka dhexe, Ciyaartoyda wanaagsan waa iney iney kubadda ku maamulaan labada lug, sameeyaan jiidis iyo baas iyagoo marsiinaya xariiqda” ayuu ku qoray Mail.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Markii uu arkay sida ay cajiib u yahiin labadaas xidig kulankii United, Sir Alex Ferguson wuxuu u aqoonsaday Luka Moric inuu yahay ciyaariyahan horay u wadi kara kooxdiisa”

Luka Modric wuxuu fasal ciyaareed kale ku qarash gareeyay White Hart Lane ka hor inta uusan Madrid kula biirin Jose Mourinho, haatan Jamie Redknap wuxuu aaminsan yahay in Luka uu yahay midka ugu fiican khadka dhexe.

“Mar walba waxey i aheyd mid i jahawareerisa sida hoos loogu dhigo Modric, Sanado badan oo uu ku jiray heerka sare ee ciyaaraha. Hadda, waa khadka dhexe ugu fiican kubadda cagta”