LG085 NATI. Kaliningrad (Russian Federation), 22/06/2018.- A combo of two pictures shows the celebration for the first goal of Switzerland's midfielder Granit Xhaka, (L), and the victory goal of Switzerland's midfielder Xherdan Shaqiri, (R), both making the eagle emblem of the Kosovo during the FIFA World Cup 2018 group E preliminary round soccer match between Switzerland and Serbia at the Arena Baltika Stadium, in Kaliningrad, Russia, Friday, June 22, 2018. (RESTRICTIONS APPLY: Editorial Use Only, not used in association with any commercial entity - Images must not be used in any form of alert service or push service of any kind including via mobile alert services, downloads to mobile devices or MMS messaging - Images must appear as still images and must not emulate match action video footage - No alteration is made to, and no text or image is superimposed over, any published image which: (a) intentionally obscures or removes a sponsor identification image; or (b) adds or overlays the commercial identification of any third party which is not officially associated with the FIFA World Cup) (Mundial de Fútbol, Kaliningrado, Suiza, Rusia) EFE/EPA/LAURENT GILLIERON EDITORIAL USE ONLY EDITORIAL USE ONLY

Axad, June, 24, 2018– Gudoonka Xiriirka kubadda cagta FIFA ayaa ku dhawaaqay iney fureen dacwad dhanka anshaxa ah oo ka dhan ciyaartoyda labada ah ee reer Switzerland Granit Xhaka & Xherdan Shaqiri kuwaas oo dabaal dag xiisad weyn kiciyay sameeyay kulankii ay guusha ka gaareen Serbia.

FIFA kaliya baaritaan kuma sameyn doonto labadaan ciyaartoy maadaama ay sidoo kale baareyso tababaraha qaranka Serbia [Mladen Krstajic] kaas oo hadalo miisaan culus u adeegsaday inuu ku sifeeyo go’aanadii garsooraha reer Jarmal [Felix Brych] uu ku maamulay kulankaas.

FIFA ayaa u sheegtay labada ciyaartoy ee Xherdan Shaqiri iyo Granit Xhaka iney qasab tahay sharraxaad iney ka bixiyaan ficilada ay sameeyeen kadib goolashii ay dhaliyeen kulanka.

Labada ciyaartooy [Xhaka iyo Shaqiri] waxey asal ahaan kasoo jeeda Kosovo, sidaas darteed waxey hanaankooda dabaal dagga ku tusmeeyeen gor-gor iyagoo adeegsanaya gacmahooda, waana calanka dalka Kosovo taasoo aysan dowlad ahaan u aqoonsaneyn Serbia.

 

Sawirkaas wuxu dhaliyay dareen badan oo dhanka siyaasadda ah iyadoo xitaa meelaha qaar aad loogu hadal qaaday hab diimeed – waana midda keentay in ugu yaraan ay FIFA kula haboonaatay in laga jawaabo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale FIFA waxey tababaraha Serbia Mladen Krstajic weydiisa inuu sharraxaad ka bixiyo hadaladii uu kadib ciyaartii Switzerland saxaafadda u sheegay isagoo eed ka tirsana go’aanadii garsoore Felix Brych.

“Waxaan u diri lahaa maxkamadda Hague. Kadibna wey maxkamadeyn lahaayeen, sidii ay anaga nagu sameeyeen oo kale” ayuu yiri Krstajic oo qof walba xasuusinaya dambiyadii dagaal ee ka dhacay Yugoslavia.

Dhanka kale xiriirka kubadda cagta Serbia ayaa laga yaabaa iney ganaax la kulmaan maadaama ay jamaahiirtooda u ogolaadeen iney soo qaataan boorar hurinaya wax walba oo arrimahaan la xiriira.