Axad, June, 24, 2018- War ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa digniin loogu jeediyey dadka ka ganacsada dhoofinta Dhuxusha iyo soo saariddeeda taas oo saameyn lixaad leh ku yeelatay xaalufinta deegaanka, nabadgelyada iyo dhaqaalaha, waxaana ay il weyn oo dhaqaale u noqoneysaa argagixisada Al-shabaab.