Axad, Jun, 10, 2018- Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa gaaray dalka Singapore,iyadoo qorshuhu yahay kulan uu halkaasi kula yeelan doono Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Kulanka taariikhiga ah ee dhexmaraya labada hoggaamiye ,ayaa lagu wadaa in maalinimada Talaadada ah uu ka dhoco Jasiiradda loo dalxiis tago ee Sentosa oo ku taalla dalka Singapore .

Waa markii ugu horeysay ee hogaamiye Waqooyiga Kuuriya ah uu kulan wada fadhi la qaadanaayo Madaxweyne Mareykan ah.

Madaxweynaha dalka Mareykanka,ayaa isna la filayaa in maanta galinka dambe uu gaaro dalka Singapoore.

Maamulka Washington ayaa rajeynaya in kulanka labada dhinac uu bilow wanaagsan u noqdo dadaalka socda ee la doonayo in Mr Kim uu ku joojiyo hubka halista ah ee nuclear-ka.