Isniin, Jun, 04, 2018- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay Shirka Golaha Amniga Qaranka.

shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.

Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ayaa gaaray shalay Magaalada Baydhabo, waxaana ilaa iyo xalay socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlayaa Amniga guud ee Dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad Dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada.

Shirkii u dambeeyay Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyn
Muqdisho, Somalia.