Sabti, Jun, 02, 2018- Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga ciidamada Badda Puntland ay ku leyihiin degaanka Bali Khadar.

Saldhigga Bali Khadar ayaa dhawaan la howlgaliyay ,waxaana uu u dhow yahay Buuraha Galgala ee gobolka Bari oo ay inta badan ku sugan yihiin Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyay ka hor Weerarka in Shabaab ay Saldhigga ku garaaceen Hoobiyeyaal ka dibna ay kusoo qaadeen Weerar toos ah.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari ayaa ku dhimatay ,10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray ciidamadii Puntland ee halkaasi ku sugnaa sidda ay sheegeen Saraakiil ku sugan gobolka bari.

Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay gubeen 4 gaari oo ay lahaayeen ciidamada Puntland.

Puntland wali war kama soo saarin dagaalkaasi, lama ogga Khasaaraha Shabaab dhankooda gaaray.

Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyne
Muqdisho, Somalia.