Sabti, Jun, 02, 2018-  Sidda Aan Warka ku helayno Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Kulankaan ayaa ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, waxaana labadda hoggaamiye ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Adkeynta nabad galyadda Magaalada Gaalkacyo, Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug,iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda.

Madaxweyne Xaaf ayaa xalay ku hoyday Magaalada Garowe, waxaana lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Xaaf ayaa lagu soo waramayaa in diyaarad gaar ah uu ka raacay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la socday ciidamo isaga ilaalo u ah iyo qaar ka mid ah Xoghayntiisa, Safarkiisa kuma aysan wehlinayn Siyaasiyiin ama Xildhibaano.

Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa ku guuleystay Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo oo Sanado badan ay dagaallo ka socdeen.

Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyne
Muqdisho, Somalia.