Sabti, Jun, 02, 2018- Saacado gudahood ayaa lagu xaaqay dharka ay xiran doonaan kooxda xulka kubbadda cagta ee Nigeria marka la gaaro ciyaarada adduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka.

Illaa 3 milyan oo qof ayaa horey usii dalbatay funaanadaha iyo gashiga kale ee kooxda, iyada oo xitaa ay bakhaaradii ka dhamaadeen dharka.

Dad badan ayaa safaf dhaadheer u galay bakhaar ku yaala magaalada London, halkaas oo funaanadaha lagu iibinayay.

Dharka oo ah labo nooc oo kale duwan, ayaa joogiiba lagu kala iibsaday £64.95 oo lacagta Ingiriiska ah, inta badana waxaaba lagu dhamaystay iibka internetka.

Ninka u ciyaara Arsenal Alex Iwobi ayaa ka mid ahaa ciyaaryahanada xayaysiiska u sameeyay dharkan.

ISHA/BBC

Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyne
Muqdisho, Somalia.