Sabti, Jun, 02, 2018- Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin hubaysa oo xalay magaaladaasi ku dilay wiil iyo Aabihiisa.

Nin hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad goboleedka Puntland waxa uu ku dilay Aabe iyo Wiil uu dhalay, iyada oo ninkaasi dilka geeystay Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen.

Dilka ayaa ka dhacay banaanka Hotel kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo,mana caddo sababta arrintaasi dhalisay balse wararka qaar ayaa sheegay in ninka dadkaasi dilay la sheegay in uu ahaa qof maskaxda looga jiray,aabaha ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan Saalax oo ka mid ahaa culimada sida weyn loog ayaqaano magaaladaasi.

Majiraan wax war ah oo maamulka iyo saraakiisha ammaanka ay ka soo saareen falkaasi dilka ah, balse ciidamada ayaa weli gacanta ku haya ruuxa fuliyay dilkaasi, waxaana lafilayaa in xaladiisa ay war rasmi ah ka soo saaraan.

Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyne
Muqdisho, Somalia.