Jimco, Jun, 01, 2018- Baarlamaanka dalka Spain ayaa raacdeeyay oo dibadda dhigay R/wasaare Mariano Rajoy ,kadib kolkii loo qaaday codka kalsooni kala labashada.

Ilaa 180- xildhibaan ayaa codka ugu badan kaga soo horjeestay R/wasaaraha maanta oo jJimco ah,waxaana loo heystaa in isaga iyo xisbigiisa ay galeen arimo ay ka mid yihiin musuq-maasuq.

Waa R/wasaarihii ugu horeeyay ee qaata codka kalsooni kala noqoshada tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1977-dii.

Mr. Rajoy ayaa hadal uu jeediyay codeynta Baarlamaanka ka hor waxa uu u muuqday mid ogol in Mr. Sanchez oo ah hogaamiyaha mucaaradka uu qaban karo jagadaasi.

Ilyaas Guute

Warbaahinta Wanlaweyn

Muqdisho, Somalia.