Khamiis, May, 31, 2018- Zinedine Zidane ayaa sheegay in uu ka tagayo kooxda Real Madrid , sahan maalmood ka dib markii uu u horseeday kooxda in ay ku guulaystaan koobka Champions League.
Zidane ayaa sheegay in kooxda ay u baahan tahay “cod kale “.
Zidane ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay “in wax waliba ay isbadaleen” waana taa sabab aan go’aanka u qaatay” ayuu yiri.
Zinedine Zidane ayaa ka tagaya kooxda Real Madrid isaga oo hormuud u ahaa in kooxda ay saddex jeer oo is xig-xiga ay horyaal ku guulaysato.
Waxaa xilka tababaraha kooxda uu qabtay bishii January 2016.
“waan jecelahay naadiga,” ayuu yiri.
“Waxa aan aaminsanahay ayaa ah in kooxdan ay sii waddo guusheeda , balse waxa aan filayaa in ay u baahan tahay isbadal waana taa sababta aan go’aanka u qaatay.”
Zidane, oo 45 jir ah ,ayaa xilka Real Madrid la wareegay ka dib markii shaqada laga ceyriyay Rafael Benitez.
ISHA/BBC
Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyn
Muqdisho, Somalia.