Khamiis, May, 31, 2018- Ra’iisul xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah saldhig ciidamada Mareykanka ku tababaraan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab.

Xerada Balli-Doogle ayaa hadda waxaa ay xero militari u tahay ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM wallow markii hore ay ahayd xerada ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo isugu Jira Ciidamada Komaandoostay Ciidamada cirka.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ku tagay xeradaas ayaa ahaa kii labaad, isagoo sanadkii hore sidan u booqday, waxaa kormeerka maanta ku wehliyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Xasan Cali, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka
Dhawaan ayeey aheyd markii ballaarin lagu sameeyay garoonka Balli-Doogle oo ah meel istiraatiiji ah, waxaa u qeybsan yahay dhowr qeybood oo isugu jira qeybo diyaaradaha ka soo degaan iyo qeybo kale.

Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyn
Muqdisho, Somalia.