Arbaco, May, 30, 2018- Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hor kacayay ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Waxaa lagu waddaa in ay kulamo kala duwan la qaato Madaxda dalkaasi, inta ay ku sugan yihiin halkaasi islamarkaana ay kala hadli doonaan arimo dhowr ah.

Waxii warar ah ee ku soo kordho waan idiin soo gudbin doonaan.

Ilyaas Guute

Warbaahinta Wanlaweyn

Muqdisho, Somalia.