Arbaco, May, 30, 2018- Madaxweynaha Soomaaliyaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho hal maalin qaadan doonta uu ku joogi doono.

Faah faahin rasmi ah lagama bixin socdaalka madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in safarka madaxweynuhu uu qaato hal maalin.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheikh.

Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe wada hadallo la yeelanaya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada dal Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya murano la xiriira xuduudka Badda iyo Barriga ah, waxaana dacwad ku saabsan Badda ay taallaa Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ilyaas Guute
Warbaahinta Wanlaweyn
Muqdisho, Somalia.