27 Maajo 2018 _Ciyaaryahanka caanka ah Maxamed Salaax ee u dheela kooxda Liverpool, kaas oo xalay garabka si x un uga dhaawacmay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhexmartay kooxdiisa iyo Real Madrid ayaa ku jira isbitaal, waxaana la saarayaa raajo.
Maamulaha kooxda Jurgen Klopp ayaa yiri “Dhaawaca waa mid aad u daran”.
Salaax ayaa waxaa hardi ay foodda is dareen hormuudka kooxda Real Madrid , iyada oo marka ay dhulka iskula dhaceen ay gacanta u hoos martay.
Xiriirka kubbadda cagta ee Masar ayaa sheegay in ay rajaynayaan in Maxamed Salaax ay u suurtogali doonto in uu u safto xulka dalkiisa, kana qeybgalo koobka adduunka.
44 gool ayuu u dhaliyay kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan, isaga oo ku horeeyay xagga gool dhalinta xilliga.
9 jeer ayuu sameeyay isku day uu ku dhalinayo gool, balse uma aysan suurtoobin.
Sanadkii hore ayay Liverpool lasoo wareegtay Salaax, iyada oo kula soo wareegtay lacag dhan £34