May 23, 2018  _Radiowanlaweyn.com  -Wararka ay radio wanlaweyn  ka helayso xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in kulan deg deg ah uu haatan halkaasi ugu soconayo Gudiga difaaca ee maaamulkaasi.

Guddigaan ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda shir jaraa’id ku qabtaan magaalada Garowe iyagoo saxaafada isugu yeeray.

Waxaana la sheegay in gudigga ay warbixin ku saabsan xaalada dagaalka Tukaraq iyo go’aanadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen iyo arimo kale ay kahadli doonaan.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa guddiga difaaca waxaa ay joojiyeen in shidaal loo gudbiyo dhinaca Soomaaliland, waxaa kale oo ay joojiyeen isku socodka shacabka deegaanka ay colaadu ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobalka Sool

Deegaankaan ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland