May 19, 2018  Radiowanlaweyn.com  _Qaramadda Midoobey ayaa shaacisay in Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya in ay dalkooda dib ugu laaban doonaan,islamarkaana arintaasi ay qeyb ka tahay qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa qorsheynaya in ay ka baxaan Soomaaliya muddo laba sano ah ka dib sida ku cad wakhtiyada ay soo diyaarisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ka bixitaanka qorshaysan ayaa imanaya todobo sano kadib markii ciidamada KDF ay soo galeen Soomaaliya ka dib markii ay bateen Weeraradda Al-Shabaab ay ka geysanayaan Gudaha dalka Kenya, waxaana xilligaasi ay sheegtay Kenya in ay ka hortagi doonto Weeraradda Al-Shaabab.

Kenya ayaa ku dhawaaqday xilligaasi Howlgalka Linda Nchi 14-kii Oktoobar 2011-kii oo lagu raadinayay shaqaalaha gargaarka iyo dalxiisayaasha Waqooyi Bari ee Kenya ay ka Afduubteen Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017), ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya ka baxaya bisha Disembar 2020-ka.

Taliyaha Guud ee ciidamada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in laba sano gudahood ay kaga baxaan Gudaha Soomaaliya,islamarkaana ay dalkooda iyo Xuduudooda ay dib ugu laabtaan.