May 19, 2018 _ Radiowanlaweyn.com  _Ciidamada Booliska dalka Afganistaan ayaa xaqiijiyay in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday garoon lagu dheelo kubadda cagta oo yaalla Bariga dalkaasi.

Inta la xaqiijiyay Weerarkaasi waxaa ku dhintay 8 qof waxaana ku dhaawacmay 50 qof oo kale.

Weerarkaan waxaa fuliyay Labo qof oo isku qarxiyay gudaha garoonka , waxaana labo weerar oo kale oo isqarxin ah laga soo sheegayaya meel banaanka ka ah dhismaha garoonka.

Mas,uuliyiinta dowladda ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay magaalada Jalalabad saqdii dhexe ee waqtiga Afganistan , xilligaasi oo ciyaar kirikit ah lagu dheelayay garoonka.

Weerarkaan ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii bombo lagu xiray rasaasna lagu weeraray xarun dowladdu leedahay oo ku taalla magaalda, waxaana ku dhintay 9 qof oo shacab ah.