Isniin, May, 14, 2018  – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood maalintii shalay halkaa gaaray.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgali doona maanta madaxweynayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne Shariif Xassan oo marti loo yahay.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Madaxweynayaasha ayaa kulankooda maanta uga wada hadli doona guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalka, Amniga, iyo khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.

Kulankan ayaa waxaa uu noqonayaa shirkii labaad ee ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyadda oo ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda, kadib kulan bishii October 2017-kii ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.